Xasan Abshir oo xubinimada Baarlamaanka ku wareejiyey wiil uu dhalay

28 Okt 2015 (Puntlandes) Xildhibaan Xasan Abshir Faarax ayaa maanta iska casilay xubinimadii BaarlamaankaDFS, isagoo ku wareejiyey booskiisa wiilkiisa.

Xildhibaan Xasan Abshir oo horay u soo noqday Raysul Wasaare xilligii dowladdii TNG-da iyo Wasiir ayaa sababo caafimaad awgeed isaga casilay.

Wiilkiisa oo lagu magacaabo Abshir Xasan Abshir oo horay u soo noqday Danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiyay Burundi, ka hor inta aysan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo xirin safaarada ay ku laheyd Bujumbura.

129ca

Dhinaca kale waxaa iyana iska casilay Xildhibaan lagu magacaabo Xagaafe, kaasoo isna booskiisa loo dhaarin doono qof ka mid ah ehelkiisa sida ay sheegayaan warar aan ka helany Baarlamaanka.

Horay ayaa waxaa u jirtay in boosaska Xubinimada Baarlamaanka oo ay baneeyeen Xildhibaano caan ahaa ay ku wareejiyeen wiilashooda, sida Maxamed Qanyare Afrax oo wiilkiisa uu bedelay C/wali Maxamed Qanyare iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo noqday Madaxweynaha Maamul Koofur Galbeed oo booskiisa loo dhaariyay wiil uu dhalay

Puntlandes.com

About The Author