Akhri: Dowladda Puntland oo PL ka Mamnuucday Idaacaddda VOA

29 Okt 2015 (Puntlandes) Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa Gobolada  Puntland ka mamnuucday dhagaysiga Idaacada Codka Maraybaka ee VOA.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegey in xanibaad lagu soo rogay Mowjadihii looga dhagaysan jirey VOA, waxaana lagu amray FM-yada ay dhexmarto Idaacaddu inay joojiyaan.

Dawladda Puntland ayaa sheegtay in talaabo sharciga Waafaqsan laga qaadi doono cidii fulin wayda Amarka kaso baxay Dawladda.

Qoraalku faahfaahin kama bixin sababta loo mamnuucay VOA. Maaha markii u horaysay oo dawladda Puntland ay mamnuucdo idaacad, iyadoo caado ka dhigatay mamnuuucid iyo hadana in la fasaxo.

Akhriso  qoraalka lagu Mamnuucista VOA

130c

About The Author