Sawiro: Madaxwayne ku xigeenka PL oo tababar Garowe kusoo xiray Aqoon iswaydaarsi

29 Okt 2015 (Puntlandes) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta Aqoon isweydaarsi mudo todobaad ah u socday qaar ka mid ah shaqaalaha Wasraadda Maaliyadda ee Puntland iyo tan DFS ugu soo xiray xarunta Hay’adda PDRC ee magalada Garowe.

Aqoon isweydaarsigan oo ay bixinayeen khubaro ka socota wasaaradda Maaliyadda Somalia, ayaa ku aadanayd is dhaafsiga aqoonta laga helay Banka adduunka oo looga faa’iidaynayay xubnaha ka socday wasaaradda maaliyadda Puntland.

Xiritaanka Aqoon isweydaarsiganwaxaa ka soo qayb galay ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland, wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo marti sharaf kale, waxaana intii uu socday diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan kor u qaadida mashruuca bixinta mushahaaraadka iyo dib u dhiska dalka.

Barnaamijkan waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka socda wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka Puntland oo la tilmaamay in hawshani khusayso.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed, ayaa xusay in mashruucan Somalidu ka faa’iidaysato, maadaama hormar u horseedayo.

Tababarkan ayaa imaanay xilli Banka adduunku Somalia ka wado hormaro kala duwan.
medium_47SdpYI0

medium_G0rnfeds

medium_LnrRiQ9n

medium_PesBNLx5

medium_QlXjXwFe

medium_Swf2vngL

medium_TTjeIxbh

medium_VwvEixjU

medium_WU9bDkj4

medium_X6exqEis

About The Author