Dhageyso: Ururka Saxafiyiinta Puntland oo ka horyimid Mamnuucida Idaacada VOA ee PL

29 Okt 2015 (Puntlandes)  Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa Sharci daro ku tilmaamay Mamnuucida Dhagaysiga Idaacada VOA laanteeda Afka-Soomaaliga ee laga mamnuucay deegaamada Puntland .

131a

Gudoomiyaha Ururka MAP Faysal Khaliif Barre oo shir jaraa’id qabtay ayaa   sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay marto marinka saxda ee sharciga soona dacweyso cid ay dacwada u qabto, Wuxuu sheegay in aysan difaacayn dambi ay gashay VOA-da balse ay cadaynayaan in dowladda aysan marin wadadii sharciga.

Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa Caadaysatay JOOJIN/MAMNUUCID  aan la aqoon waxay u cuskatay. Waxaana wax walba kasii daran inay saacado kooban ka dib ka noqoto iyadoo ay xusid mudan tahay inay Wasaaradda warfaafinta soo saartay go’aan ay ku joojisay TV ga DFS, SNTV,  iyadoo aysan wax saamayn ah aysan ku yeelana oo TV gu uu hawshiisii si caadi ah isaga wato.


Puntlandes.com

About The Author