Sawiro: Madaxweynaha Puntland oo gaaray Dubai

2 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dubai ee wadanka isutaga imaaraadka carabta oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.

Madax katirsan Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa siweyn ugu soo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dubai, waxaana ay u sii gudbiyeen halka ay ugu talagaleen inay dajiyaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu intaas kadib kulamo kala duwan la qaatay Safiirka Dawladda Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya iyo masuuliyiin kale , waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland.

Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha oo muddo dhowr maalmood ah ku sugnaan doona dalkaasi , ayaa waxaa ay sidoo kale kulamo kale la qaadan doonaan madaxda ugu saraysa dalkaasi, kuwaasi oo wadaxaajoodyo kala yeelan doonaan xaalada guud wadamada ku bahooban Ururuka Jaamacada Carabta iyo sidoo kale xaalada Soomaaliya oo hada gashay marxalad cusub.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa madaxda wadamada isutaga Carabta ay kawada xaajoon-doonaan kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidii loo dardargelin lahaa ganacsiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee Puntland kala dhaxeeya wadamadaasi.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas waxuu iyana kulama gaar gaar ah la yeelan doonaa Jaaliyada Puntland ee ku sugan wadamada Isutaga Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo Madaxweynahu uga xogwarami doono barnaamijyada horumarineed ka socda Puntland iyo xalaada dhaqaale ee dalka oo hada maraysa meel aad u saraysa.

Madaxweynaha Dawlada Puntland iyo Weftigiisa oo ku sugan magaalada Dubai ee xarunta Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa la filayaa inay dalka dib ugu soo laabtaan maalmaha fooda inagu soo haya.

12182327_10153717394027458_44337985_n12197048_10153717395687458_650540094_o12194436_10153717395962458_990518627_o12205064_10153717391447458_1553884443_n12207637_10153717391882458_668527852_n12209212_10153717395167458_1239906704_o

 

 

 

 

 

About The Author