Sawiro: Guulihii Waxqabad ee Xukuumadda Madaxweyne Gaas Gobolka Mudug W/Q Maxamed Jabra

Talaado– 11-8-2015 ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ka ambabaxeen Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ,iyagoona ku sii jeeday Gobalka Mudug ee Puntland oo ay safar shaqo ugu baxeen.

IMG_6074

Wefdiga Madaxweynaha oo ka koobnaa Wasiiro iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa ugu horeyn waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxaana soo dhaweyntooda si hambsami leh uga qeyb-qaatay Maamulka Degmada , Waxgarad, Cuqaal, Haween, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan.

Isla habeenkaa Madaxweynaha iyo wefdigiisuba waxaa ay ku hoydeen Degmada Xarfo oo ay kulamo kala duwan kula qaateen maamulka , waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee Degmadaasi oo bogaadiyey safarka Madaxweynaha ee Gobalka Mudug.

Arbaco– 12-8-2015 Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay xili hore ka baxeen Degmada Xarfo , waxaana si diiran loogu soo dhaweyey Deegaanada Bacaadweyn,Margeeg, Daarasalaam, Cagaaran iyo magaalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo .

IMG_5915

Khamiis-13-8-2015 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kullan kula qaatay saraakiisha amaanka , Garsoorka iyo maamulka Gobolka Mudug.

Maalintaas waxaa uu sidoo kale Madaxeynuhu magacaabay guddiyada Amniga, Horumarinta iyo qaabeynta magaalada iyo guddiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada , waxayna ka koobnaayeen Wasiiro , xildhibaano iyo bulshada rayidka ah xubno matalayey.

Jimce 14-8-2015 Waxaa uu Madaxweynuhu Gaalkacyo uga qeyb-galay Kullan ay su’aalo iyo talooyin ugu soo jeedinayeen bulshada qeybaheeda kala duwan ee  ku nool Gobolka Mudug.

Kullanka ayuu  hadalkaan ka yiri Madaxweyne Gaas ‘’ Dawladda iyo dadkeeda oo wada socda meelna uwada jeeda ayaa waxbadan badeli kara , marka waxaan rabnaa isbadelka aan unimi in Gobolka lagu sameeyo inaad nagala qeyb-qaadataan gacana  nagu siisaan ‘’

Isla jimcahaa waxaa uu madaxweynuhu hoygooda ku booqday Marwo Xaawo Aadan Maxamed Camey  iyo sidoo kale caruurtii iyo xaasaskii uu ka dhintay Marxuum Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo gacan ka xaqdarini dishay.

IMG_8543

Masaajidka Abuu hurayra ayuu sidoo kale madaxweynuhu salaadii jimcaha si kalsooni buuxda ku jirto kula tukaday boqolaal dadweyne ah , waxayna shacabka dhexdooda arrintaasi u muujisay in Gobalku yahay mid amaan ah.

Sabti 15-8-2015 Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray Cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, xaruntii hore ee maamulka Gobalka iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacayo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport .

Isniin 17-8-2015 ayey aheyd markii uu Madaxweynuhu  si rasmi ah xariga uga jaray laba laami oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Gaalkacyo Gobalka Mudug ee Puntland

IMG_4996

Wadooyinkaan laamiga ah oo ay fulisay Dawladda Puntland waxaa ay  dhererkoodu dhan yahay 2,600mitir iyo 650mitir , waxaaana ay ka qeyb qaadanayaan bilicda iyo Nabadgelyada Puntland gaar ahaan Gobalka Mudug.

Talaado 18-8-2015 ayuu Madaxweyne Gaas magaalada Gaalkacyo  xariga kaga jaray Saldhiga Booliska Gobalka Mudug oo lagu sameeyey dib u habeyn.

Sabti 22-8-2015 ayuu Madaxweyne Cabdiweli si rasmi ah u kormeeray xarumaha Dawladda ee ku yaala magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo dhammaan laga saaray dadweynihii deganaa iyo kuwii ku ganacsanjiray lana burburiyey.

Muwaadin lagu magacaabo Cumar ayaa afaafka hore ee Bankigii hore ee Dawladda waxaa uu madaxweynaha ku wareejiyey furayaashi xaruntaas, madaxweynaha ayaana talabadaas ku tilmaamay mid ku dayasho mudan.

Wixii maalintaasi ka dambeeyey Magaalada Gaalkacyo waxaa ay cagta saartay dhabada horumarka iyo Nabadgelyada , shacabkuna waa kuwo u heelan ka faa’iideysiga horumarka baaxada leh ee soconaya .

Talaado 25-8-2015 Waxaa si rasmi ah uu madaxweynuhu u daahfuray Shirweynaha Wada-tashiga Puntland wajigiisa koowaad oo ka furmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana uu socday 25-29-ka bishaan, guul ayuuna ku soo dhammaaday.

Khamiis 27-8-2015 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Xabsiga weyn , Xerada siinaay , ciidanka kamaan doosta ee Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Hotel Kaah ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Axad 30-8-2015 magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug wuxuu madaxweynuhu ka dhagax dhigay  Xarunta Madaxtooyada Puntland , Wasaaradda Ganacsiga , Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Beeraha , Bankiga dhexe ee Dawladda iyo taliskii hore ee booliska oo dib u habeyn lagu sameynayey.

Inta badan xarumahaasi waxaa ku socda dhisme , halka qeybtood la dhameeyey , lana qalabeeyey waana kuwo lagu howlgalo loogana faa’iideynayo shacabka Gobalkaasi oo baahi weyn u qabay.

Talaado 1-9-2015 Degmada Galdogob iyo deegaanka Xera-jaalle ayuu madaxweyne Gaas xariga kaga jaray MCH, xarun lagu xanaanaynayo dadka dhimirka la’a , waxaana uu ka dhagax dhigay guriga hooyinka , xarunta maamulka degmada iyo Garoonka kubadda cagta ee Degmada Galdogob.

Arbaco –9-9-2015 Waxaa uu Madaxweynuhu Daahfuray Sanduukha Horumarinta Gobalka Mudug , oo larabo inuu qeyb weyn ka qaato horumarka balaaran ee ka soconaya guud ahaan Gobalka.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in sanduukhaan horumarineed furanyahay lana rabo in lagu horumariyo guud ahaa Gobalka Mudug, Gobalada kale ee Puntland ayuu sheegay in si lamid ah uu rajeynayo in uga furmaan si looga dhabeeyo baaqii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

Khamiis 10-9-2015 ayuu tababar Madaxweyne Gaas ugu furay xerada Abqaale oo ku taala Degmada Xarfo Ciidan Booliis ah oo laga kala keenay Gobalada Barri, Karkaar iyo Ceyn ee Puntland.

Jimce 23-10-2015  Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xerada tababarada abqaale ee Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug tababar ugu soo xiray ku dhawaad 500-oo ciidan Booliis ah oo laga soo kala xulay Gobalada Bari, Karkaar iyo Cayn ee Puntland.

Sabti 31-10-2015 ayuu madaxweynuhu xariga kajaray 7 mashruuc oo horumarineed oo ka hirgalay muddo kooban magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug-Puntland.

Waxayna isugu jireen xarun cusub oo ay kuwada howlgalayaan Dawladda Hoose iyo Booliska magaalada Gaalkacyo , Xafiiska Wasaaradda maaliyadda Puntland , Beer nabadeed, saldhiga Galbeed ee Booliska Gaalkacyo , wado isku xirta laamiga iyo xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo, wado casri ah oo laami ah oo isku xiraysa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf iyo laamiga weyn iyo suuqa Dayax Bille oo loo dhisay ganacsatada Puntland.

Guddiga horumarinta iyo qaabeynta magaalada oo shaqo wanaagsan ka qabtay Gobalka Mudug ayaa ku guulaystay sidii ay u balaarin lahaayeen wadooyin muhiim ah , iyagoo kaa shanayey  shacabka jecel Nabadda iyo Horumarka ee Puntland , waana talaabo lagu guulaystay .

Axad – 1-11-2015 ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug , iyagoona ku sii jeeday Magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

IMG_5510

Guud ahaan Shacabka Puntland ayaa soo dhaweeyey waxqabadkaDawladda ee Gobalka Mudug , kaasi oo qaatay muddo kooban, waxayna shacabka Gobalkaasi u oo manaayeen helidda xukuumad kaalinteeda buuxiso oo si isku mid ah waxqabad ugu muujisa guud ahaan Gobolada Puntland .

Bahda Warbaahinta ee Puntland ayaa dhankooda kaalin buuxda ka qaatay baahinta waxqabadka Dawladda ee Gobalkaasi oo lagu xasuusan karo inay maalin walba soo gudbin jireen waxa qabsooma hadeyn ahaan laheyd dhinacyada horumarka iyo amaanka.

Maxamed Xirsi Jabra

Sawirqaadaha Madaxtooyada Puntland.

Jabra444@gmail.com

About The Author