Madaxwayne Gaas oo kusoo wajahan magalada Garowe maanta

5 Nov 2015 (Puntlandes)  madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda waxaa laga sugayaa inuu kasoo dego Garoonka Diyaaaradaha Caasumadda Puntland ee Garowe.

Madaxweyne Gaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa Dalka Imaaraadka isagoo ka duulaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo uu ku shaqaynayey sadexdii bilood ee u dambaysay.

 134bb

Madaxwaynaha iyo xubnihii ka tirsanaa dawladiisa ayaa waxay ka qabteen Magaalada Gaalkacyo Shaqo aad u wanaagsan muddadii gaabnayd ee ay ka shaqaynayeen. Dhamaan Shacabka reer Piuntlanad ayaa si aad ah usoo dhaweeyey Shaqadii ay dawladu ka qabatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Puntlandes.com

About The Author