Sawiro: Wasaaradda Maaliyada Jubaland oo xarun cusub oo ay dhisatay u guurtay

5 Nov 2015 (Puntlandes) Wasaaradda maaliyadda dowladda Jubaland ayaa u guurtay xarunta bankigii hore ee ganacsiga halkaasoo dowladda jubaland oo kaashanayeesa hay’ado ay ku sameysay dayactir.

Bankigan ganacsiga ayaa loo dhisay hab casri ah, iyadoo loo dhameystiray dhammaan adeegyadii xafiisyada ee ay ku shaqeyn lahayd wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xafiiskan ay maanta degeen, isagoo sheegay in ay tahay talaabo horuar leh oo la gaaray.

Dhinaca kale, wasiirka maaliyadda ayaa 7 qof oo xafiis ah iyo qalabkooda ku wareejiyay baarlamanka Jubaland, munaasibad kooban oo ka dhacday xarunta Caymiska oo ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan dowladda Jubaland ayuu wasirku ku wareejiyay xafiisyadaasi.

DSC_0314DSC_0313DSC_0303DSC_0302DSC_0300DSC_0298DSC_0296DSC_0295DSC_0294DSC_0278DSC_0276DSC_0249DSC_0246DSC_0245DSC_0233DSC_0232

About The Author