Sawiro: Madaxweyne Gaas oo siweyn Garoowe loogu soo dhaweeyey

5 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayey  safar shaqana ugu maqnaa dalka Isutagga imaaraadka carabka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5-11-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha iyo wefdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Cabdisalaan, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u fara badan isugana jiray rag iyo dumar kuna labisanaa calanka Puntland iyo kan Soomaaliya ayaa iyaguna ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wefdiga balaaran ee uu hogaaminayey.

Cutubyo katirsan ciidanka Puntland iyo kooxda baambayda ayaa Madaxweynuhu salaan sharaf kaga qaatay garoonka, waxaana uu mid mid u salaamay masuuliyiintii iyo shacabkii ka qeyb-qaadaneyey soo dhaweyntiisa.

Intaas kadib ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas loo gudbiyey aqalka madaxtooyada Puntland, waxaa uu halkaasi kula hadlay warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo uu uga  warbixiyey safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

” aad iyo aad ayaan idiin kaga mahadnaqayaa soo dhaweynta aan loo kala harin ee nagu soo dhaweyseen aniga iyo wefdiga aan hogaaminayey dhowrka cishana ku maqnaa wadanka isutagga imaaraadka carabta ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Madaxda wadankaasi waxaanu ka soo wada hadalnay arrimo la xiriira xagga nabad-gelyada, kaabayaasha dhaqaalaha , waxaana uu safarkaasi ahaa safar aad muhiim noogu ah aan rajeynayana inuu sii adkeeyo xiriirka Puntland iyo isutagga imaaraadka carabta ” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Puntland u rajeeyey guul, midnimo iyo wadajir , waxaana uu ku amaanay doorka wanaagsan ee ay had iyo jeer ka qaataan Nabadda iyo kala dambeynta Puntland ku hanaqaaday.

IMG_5550 IMG_5562 IMG_5566 IMG_5568 IMG_5570 IMG_5571 IMG_5574 IMG_5579 IMG_5590 IMG_5594 IMG_5595 IMG_5601 IMG_5604 IMG_5611 IMG_5613 IMG_5618 IMG_5623 IMG_5626 IMG_5630 IMG_5633 IMG_5635 IMG_5637 IMG_5641 IMG_5646 IMG_5660 IMG_5664 IMG_5676 IMG_5688 IMG_5705 IMG_5711 IMG_5723 IMG_5745 IMG_5751 IMG_5754 IMG_5757 IMG_5760 IMG_5762 IMG_5767 IMG_5775 IMG_5792 IMG_5793 IMG_5811 IMG_5816 IMG_5824 IMG_5828 IMG_5833 IMG_5872 IMG_5886

About The Author