Sawiro: Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo mamulka degmada Burtinle oo maanta furay 13-xirmooyin

5 Nov 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobalka Nugaal, maamulka degmada Burtinle oo kaashanaya shacabka ayaa maanta ku guulaystay inay dib u furaan dooxooyin la xirmaystay oo ku yaala degmada Burtinle kuwaasoo qayb ka ah howlgalada ka socda degmada.

Meegaag-leex iyo Habar Tiil ayaa ka mid ahaa meelihii xirmooyinka laga sameeyay, kuwaasoo la gubay geedo faro badan oo lagu xiray, waxaa isla markiiba xoolihii daaqi jiray lagu arkayay dooxooyinkaasi iyagoo daaqaya.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Faraweyne ayaa sheegay in howlgalkan lagula dagaalamayo xirmooyinka ay wadi doonaan mudo bil ah, dadkuna ay aad usoo dhaweeyeen howlgalada kala duwan ee ka socda degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiye Farawayne waxa uu sheegay maanta iyo shalay inay soo fureen ilaa 13-xirmo oo muhiim ahaa, wuxuna sheegay marka ay dhameeyaan howshaasi inay degmada ka bilaabo doonaan canshuur qaadista oo qayb ka ah dadaalada dowladdu wado.
Masuulkan waxa kale uu tilmaamay inay sidaan oo kale tagi doonaan degmooyinka kale ee Gobalka Nugaal sida Degmada Godob-jiraan oo ka xigta Burtinle iyo Eyl.


IMG-20151105-WA0020

IMG-20151105-WA0022

IMG-20151105-WA0024

IMG-20151105-WA0026

IMG-20151105-WA0027

IMG-20151105-WA0028

IMG-20151105-WA0030

IMG-20151105-WA0031

IMG-20151105-WA0032

IMG-20151105-WA0034

IMG-20151105-WA0037

IMG-20151105-WA0038

IMG-20151105-WA0042

IMG-20151105-WA0043

IMG-20151105-WA0044

IMG-20151105-WA0045

IMG-20151105-WA0051

IMG-20151105-WA0039

IMG-20151105-WA0052

IMG-20151105-WA0049

IMG-20151105-WA0050

About The Author