WFP oo dhaqaale u doonaysa ka hortagga masiibooyinka

6 Nov 2015 (Puntlandes) Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada aduunka (WFP),ayaa ku dhawaaqday iney u baahan tahay U.S. $12 million oo ay wax kaga qabayo saameynta roobabka iyo dabaylaha ELNINO ee Soomaaliya.

WFP ayaa warbixinteedii ugu danbeysay ku xustay inta u dhaxeyso 500,000-illaa 900,000-oo qof kuna nool dhulka hoose ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya in laga yaabo iney saameeyeen qataraha yimmaadda Fatahaadaha iyo daadadka.

Sarkaal u hadlay hay’adda ayaa tilmaamay in haatan ay sameysteen agabkii looga hortagi lahaa yaraynta qasaaraha meelaha muhiimka, sida diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo doonyo lagu dhameystirayo farsamada meelaha dhibaatadu ay ka jirto.

Hay’ada ayaa shaacisay in ku dhawaad 200,000-oo ruux ay gargaar u baahan yihiin,waxayna sidoo kale sheegtay in wadar ahaan dhaqaalaha la doonayo in looga jawaabo baahida deg degga ah ee ELNINO ilaa dhamaadka sanadkan ay gaareyso 16 million oo dollar,laakiin ilaa iyo hada la hayo 4 million oo qura.

Hay’ada WFP,ayaa hoosta ka xariiqday in Xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqada ee dalka Soomaaliya ay weli tahay mid aan wanaagsaneyn,waxana la sheegayaa in 855.000-oo qof ay haysato cunno yari ba’an una baahan yihiin gargaar deg deg ah.

About The Author