Sawiro: RW Sharmarke & Axmed Madoobe oo si wadajir ah u Dhagax dhigay Dhismaha Safaarada Soomaaliya Ee Nairobi

7 Nov 2015 (Puntlandes) Raysal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta wada jir u dhagax dhigay dhismaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo la dayactirayo.

Madasha lagu dhagax dhigay dhismaha safaaradda la dayactirayo waxaa joogay wasiirka qorsheynta iyo iskaahiga Cabdiraxmaan Ceynte, wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Cabdiqaadir Shiikh Cali Diini.

Raysal Wasaaraha ayaa ka warbixiyay dadaalkii dheeraa ee loo galay soo dhicinta dhismaha safaaradda Soomaaliya dalka Kenya oo ay heysteen ganacsato u dhalatay dalka Hindiya.

Madaxweyne Axmed Maxame Islaam ayaa sheegay in ay muhiimtayhay in Soomaalida dalka Kenya ay helaan dhisme safaarad ay iyagu leeyihiin oo loogu adeego.

Safiirka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xuseen ayaa isna madasha joogay.

Dhismaha Safaaradda oo maanta bilowday waxaa lagu wadaa in dhawaan lasoo afjaro oo la dayactirro waxana ku shaqeyn doonto safaaradda Soomaaliya.

IMG_5537IMG_5538IMG_5540IMG_5545IMG_5546IMG_5575IMG_5590  IMG_5609-CopyIMG_5610  IMG_5619     IMG_5626IMG_5627IMG_5628IMG_5630IMG_5657IMG_5670IMG_5677IMG_5678IMG_5680

Puntlandes.com

About The Author