Daawo Video-Sawiro: Wasiirka cadaalada dowladda Puntland oo maanta dib ugusoo dalka kana warbixiyay safarkiisii dibada

7 Nov 2015 (Puntlandes) Wasiirka cadaalada, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac ,ayaa maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe, kadib markii kusoo laabtay dalka dibadiisa.

Wasiirka cadaalada oo garoonka diyaaradda ee Garowe kula hadlay wariyaha Puntlandi ee Garowe ayaa u sheegay safarkiisa inuu ku saabsanaa, sameynta xiriirida caalami ah, arrimaha xabsiyada, arrimaha cadaalada iyo  tobabaradda shaqaaaha cadaalada.

Wuxuu sheegay wasiirku inuu safarkiisa ku bilaaabay dalka Kenya, halkaasi oo kusoo arkay maxaabiis burcadbadeed Soomaali ah oo ku xiran xabsi kuyaala magaalada Mombasa, wuxuuna sheegay dowladda Kenya inay isku agarteen in maxaabiista loosoo wareejiyo dalkooda hooyo.

Wasiirka cadaalada wuxuu sidoo kale sheegay inuu lasoo kulmay safaaraddo iyo hay’addo caalami ah oo xafiisyo kuleh Kenya iyo Uganda, kuwaas oo uu sheegay in uu kalasoo hadlay inay ka qeyb qaataan horumarka Puntland.

Mudane Saalax Xabiib waxaa kale oo uu sheegay inuu lasoo kulmay wasiirka cadaalada Uganda iyo taliyaha ciidanka asluubta dalkaas, wuxuuna sheegay inuu kalasoo hadlay sidii tababaro loogu fidin lahaa shaqaalaha cadaalada iyo sidoo kale in kor loo qaado xiriirka labada dhinac.

Wasiirka cadaaladu wuxuu sheegay inuu sidoo kale lasoo kulmay ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada sare ee Uganda, sheegayna inuu u balanqaaday inuu ku biirindoono wixii ku saabsan arrimaha cadaalada.

Halkaan ka daawo wareysiga wasiirku siiyay Puntlandi

???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Xigasho: Puntlandi

About The Author