Dalada Qurbajoogta Finland iyo Wakiilka PL u Fadhiya Scandenevianka Hambalyo & taageero u diray Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland

10 Nov (Puntlandes) axaan u hambalyeyneynaa gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland  mudane
Axmed Cali Xaashi xilka culus ee loo Doortay, waxaan urajeyneynaa inuu xilkaas Ilaahay la garab galo oo si xilkasnimo iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay uu uguto. Dallada Qurbajoogta Puntland ee Finland waxey diyaar u tahay inay garab iyo taageero ku siiso gudoomiyaha, wixii horumar ah oo ay awoodona gaarsiiso Baarlamaanka sidaas waxaa yiri gudoomiyaha dallada ururrada Puntland ee Finland C/qani Axmed Ducaale. Sidoo kale gudoomiye C/qani  ayaa
Talaabadan doorashada ee baarlamaankana Puntland  ku tilmaamay in ay bilow u tahay Nidaamka axsaabta oo ka hirgala Puntland waqti dhow.

Wakiilka u Fadhiya Puntland Scandenevianka Dr .Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ayaa isagana
Hambalayayn iyo taageero ay u diraya baarlamaanka Puntland sida ay ugu guuleysteen in ay doortaan afhayeenka baarlamaanka iyadoo u dhacday si nidaam  iyo cadaalad ah,waxa kale oo uu intaasi ku daray in Qurbajoogta Yurub ay Taageersan yihiin Gudoomiyaha ay doorteen baarlamaanka Puntland ayna u hambalyaynayaan gudoomiyaha cusub ee nasiibka u helay Maanta codadka ugu badan ee baarlamaanka.

Sidoo kale Wakiilka u Fadhiya Puntland Scandenevianka Dr .Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo)
ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in doorashadii maanta ee Baaralamaanka ay u dhacdo si cad oo muuqata , islamarkaana ay tahay guul iyo horumar ay gaareen shacabka Puntland.

About The Author