Madaxweynaha KGS oo ka bad baaday weerar ismiidaamin lagu qaaday Kolonyo uu la socday

11 Nov 2015 (Puntlandes) Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maraya Degaanka carbiska.

151c

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa booqasho ku tegey degmada Afgooye hase yeeshee gelinkii dambe ee maanta isagoo soo maraya deegaanka Carbiska ayaa lagu qaaday weerar ismiidaamin ah, isagoo ka badbaaday eweerarkaas Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh, laakiin weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah wafdigii la socday Madaxweynaha.

About The Author