WAR DEG DEG AH: Dawlada Sweden oo maanta 12 ka duhurnimo bilaabaysa inay baarto dadka Xuduudeeda soo galaya

12 Nov 2015 (Puntlandes) Dawlada Sweden ayaa shaacisay inay maanta, 12ka Nov 2015, marka ay saacadu tahay 12 ka duhurnimo inay bilaabayso inay baarto dadka Xuduudeeda soo galaya si ay u ula socoto una Xadayso Dhaqdhaqaaqa dadka Qaxootinimo doonka ah ee dalkeeda soo galaya.

Xalay ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Sweden Anders Ygeman ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay, isagoo sheegay inay dawladu go’aanka isagoo faahfaahsan usoo gudbin doonto Booliska dalka si ay gudaan waajibaadkooda wuxuuna intaas ku daray in dawladda dalka Sweden ay ka fariisan doonto beri subax si auý go’aan rasmi ah uga gaarto..

Dawladda Sweden ayaa go’aankii kama dambaysta ahaa ee laga sugayey ka gaartay in la baaro dadka soo galaya Xuduuda dalka Sweden iyadoo uu Baaritaanku dhaqan geli doono marka ay saacadu tahay 12ka duhurnimo.

151ca
Buundada isku xirta Sweden & Denmark

Meelaha Xooga la saarayo baaritaanka dadka wadanka soo galaya ayaa ah Buundada Sweden iyo Dermark isku xirta iyo Doonyaha dadka soo qaada Dermark iyo Germany.

151cbb
Mid ka mida Doonyaha dadka keena Sweden

Dhanka kale waxay dawladda Sweden soo rogaysaa in Qof kasta ee Xuduudeeda soo galaya uu wato warqada dhalashada, siiba dadka Doonyaha ku imaanaya dalka Sweden.

Hay’adda dalka Sweden u qaabilsan Qaxootiga ayaa ka dalbatay dawladda Sweden inay soo rogto Baaritaan dadka Xuduudda Sweden soo galaya maadaama ay maarayn wayday Qaxootiga xargaha goostay ee kusoo qul qulaya dalka Sweden.

Go’aankan lagu baarayo dadka soo galaya Xuduuda dalka Sweden ayaa si ku meel gaar ah u soconaya 10cisho iyadoo la kordhin karo, wuxuuna bilaabanayaa maanta, 12ka nov 2015, marka ay saacadu tahay 12 ka duhurnimo.

Puntlandes.com

About The Author