Muqaal :- Madaxwaynaha dowladda Puntland oo aqalka Madaxtooyadda ku qaabiley kooxdda Anshax Band ee DDSI.

Madaxwaynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Garowe ku qaabiley kooxdda Fanaantiin ee Anshax Band oo ka socdey dowladd deegaanka Soomaalidda ee Ethopia oo mudooyinki u danbeeyey ku sugnaa deegaanadda Puntland.

Madaxwaynaha ayaa Kooxddaani waxa uu sidoo kale u sameeyey Qado sharaf kadibna waxa ay wada yeesheen iswaraysid socdey mudo saacado qaatey,waxaana madaxwaynuhu uu kooxda uga mahadceliyey imaanshiyaha ay yimaadeen Deegaanadda Puntland iyo sidoo kale Showyadii ay ku qabteen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ee Puntland.Anshax

Kooxdda ayaa sidoo kale Madaxwaynaha uga waramay sidda wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey magaaladda Garowe iyagoo sidoo kale u rajeeyey shacabka reer Puntland in ay marar kale ay ku soo laaban doonaan deegaanadda Puntland.

Ugu danbayntii dowladda Puntland ayaa si wanaagsan danaynaysa in ay u sagootiso Kooxdda Anshax Band ee dowladda Deegaanka Soomaalidda Ethopia.

 

Halkaan ka daawo Showgi Kooxda Anshax Band ee Garowe.

About The Author