Daawo Video-Cadayn: Kooxda Damul Jadiid oo Waqtiga loo kordhinayo ilaa doorasho laga gaarayo!! Shir ku saabsan oo Kismayo ka furmay

12 Nov 2015 (Puntlandes) magaalada Kismaanyo waxaa ka furmay Shir looga hadlayo waxa laga yeelayo Doorashooyinka la qorsheeyey inay ka dhacaan Soomaaliya sanadka 2016ka iyadoo si cad ay banaanka u timid in Dawladda Xasan Shiikh hogaamiyo Waqtiga loo kordhinayo.

169

Shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay 4 Qodob oo ay Kooxda Damul Jadiid soo qoratay ayna doonayso inay ku sharciyeysato Qodobka muddo kordhinta ah.

Qodobada ay Kooxda Damul Jadiid soo qoratay ayaa kala ah:

  1. In Dawladda hadda jirta Waqti loogu daro oo ay sii hayaan inta Doorasha qof walba codkiisa dhiibanayo laga gaarayo.
  2. In 4,5 ay dadka Soomaaliyeed wax ku qaybsadaan
  3. In Deegaan, (18kii Gobol 6 Degmooyinkoodii) ay dadka Soomaaliyeed wax ku qaybsadaan
  4. In dawlad goboleedyadu ay soo xulaan Xubnaha Baarlamaanka

Lama sheegin muddo kordhintu inta ay le’eg tahay laakiin Qodobka banaanka la keenay ayaa ah in loo kordhiyo Dawladda ilaa inta laga gaarayo Doorasho uu qof walba oo soomaali ah uu Codkiisa ku dhiibanayo.

War hoose oo ay heshay warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in loo kordhin doona Kooxda Damul Jadiid muddo 3 sano ah.

Puntlandes.com

About The Author