Dowladda Puntland oo Shacabkeeda kala tashanaysa Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee 2016.

Magaaladda Garowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa ka dhacay shir lagu Tababari Dad laga soo xulay qaybaha kala duwan ee Bulshadda reer Puntland waxaana Tababarkan oo socon doona mudo Labo Maal’mood dadka kaqayb galayaa lagu baridoonaa qaabka ay Dadka wada tashi ugula samayn lahaayeen Degmooyinka Dowladda Puntland ay uqorshaysay inuu kadhaco Barnaamijka wada tashiga heer qaran ee doorashadda 2016 kuwaas oo kala ah degmooyinka garoowe, Tukaraq, Gaal’kacyo, Badhan, Boosaaso iyo Qardho.

Furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada wasaradaha Shaqada,Sshaqalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowladda PL, Wasiirka Wasaradda Deegaanka Duurjogta iyo dalxiiska Dawlada PL, Wasiirka Wasaarada Dastuurka Dimuqraadiyaynta iyo Arimaha Federalka Dowladda,  Ururkaka Bulshada Rayidka PL ee Punssa,iyo masuuliyiin kasocotay hayada unsom Waxana Bixinaya Tababarka Khabiro Kasocda gudiga Farsamada Madasha Wada Tashiga Heerqaran.

Shirkan ayaa dabsocda shirarkii madaxda Dowladda Faderalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay ku yeesheen Magalada Muqdisho ee Casumada dalka Soomaaliya kaas oo ay uga tashanayeen ayaaha Soomaaliya iyo qaabka ay noqon doonto una dhici doonto Doorashadda Soomaaliya ee 2016.

Dawlada Pl ayaa Horay Uga Hadashay Moqifkeeda Ku Aadan Doorashada Soomaaliya ee 2016 iyo qaabka ay Noqon doonto Iyadona Dawladu ay Cadaysay in dawladda PL ay diyaar u tahay kaqayb galka doorasho kudhisan qaab deegaan isla markaasna ay diidan tahay in ummada somaaliyed dib loogu celiyo nidaamka 4.5 oo caqabad kunoqday horumarka Soomaaliya.

 

About The Author