Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha DPL iyo Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed oo xal ka gaaray Khilaaf muddo u dhexeeyay labada dhinac.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha DPL iyo Gudiga Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa shir ay ku yeesheen magaaladda Garowe waxa ay xal ka gaareen Khilaaf muddo u dhexeeyay labada dhinac oo sababay in aaney wax wada shaqeyna yeelan.

Dhinaca kale Masuuliyiinta Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha DPL ayaa kala saxeexday Heshiis noxorkiisu yahay Horumarinta Garoomada Kubadda Cagta Deegaanadda Puntland iyo kor u qaadida Xirfadda Garsoorayaasha Puntland.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyaradda Ciyaaraha Puntland Tigaana oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa sheegey in ay ugu faraxsan yihiin guusha laga gaarey maanta khilaafka labadda dhinac.

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha dowladda Puntland iyo Gudiga Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ayaa horey xiriirkii ugu jarey Gudiga xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed,arinkaas oo salka ku hayey kadib markii Gudiga xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya ay ku kooban magaaladda Muqdisho iyo nawaaxigeeda Deeqihii ay Beesha caalamku ku bixin jirtey arimaha Kubadda cagta Soomaaliya.

About The Author