Lix weeraro iyo Qarax oo lagu weeraray Paris iyadoo ilaa iminka lagu dilay 60 qof

13 Nov 2015 (Puntlandes) war hordhaca. oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in niman hubaysan ay ku qadeen caawa magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska iyagoo ilaa iminka ay dhimashadu marayso dad gaaraya 60 qof.

Weerarka ayaa kakoobnaa lix weerar oo kooxo hubaysani qaadeen iyo sadex qarax oo waa wayn oo iyadana lala beegsaday isla magaalada Paris

Meelaha la weeraray qaarkoodna wali la haysto waxay kala yihiin Teater, Garoonka kubada cagta ee Paris iyo maqaaxi ku yaala magaalada Paris.

Garoonka ayaa waxaa ka socotay Ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxaysay wadamada Faransiiska iyo Jarmalka, waxaana dadkii daawanayey Ciyaartaas ka mid ahaa Madaxweynaha dalka Faransiiska Holand.

Dablayda weerarka qaaday ayaan ilaa iminka baybtooda la aqoon.

Ciidamada Amaanka ee dalka Faransiiska ayaa goobaha ku wareegsan, qasaaruhu intaas waa ka badan karaa.

 

Wixii oo kusoo kordh kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author