Madaxweyne Obama oo ka hadlay weerarka Paris & Booliiska Paris oo dadka ku amray inaysan Guryaha kasoo bixin

13 Nov 2015(Puntlandes) Wararkii ugu dabeeyey ee naga soo gaaray weerarkii lixaadka lahaa ee caawa 13ka nov lagu qaaday magaalada Paris ee caadimadda dalka Faransiiska ayaa sheegaya inay wali dablaydii weerarada kala duwan gaystay ay dad lahaystanimo u haystaan.

Dalka Faransiiska ayaa Xiray dhamaan Xudduudihiisa, waxaa kaloo Booliisku ku amreen dadka Paris ku nool inaysan Guryahooda kasoo bixin oo ay Albaabada xirtaan.

Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlay dhacdada Paris ayaa sheegay inaysan tani ahayn weerar lagu qaaday Paris ee ay tahay weerar lagu qaaday dhamaan Aadanaha oo dhan.

 

Wixii war ah kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

 

About The Author