SOOMAALIYA WAA GOB LIICDAY MA DHIMAN, W/Q Yuusuf Omar

Madaxda fadaraalka iyo kuwa dawlad goboleed yada soomaaliya qurux badanaa walaalo israacay.
Aad baan usoo koobayaa ina yaraynayaa maqaalkan.waxay soomaalidii hore ahayd kuwo ilaashaday dalkooda diintooda iyo dhaqankoodaba qarniyaal iyo facyaal farabadan oo tagay.waxay soomaalidu gaashaanka u daruurtay isku daygii u dan beeyay ee gumaystaha cadaanka ah ee reer yurub uu si horornimo iyo bahal nima ah isugu soo bahaystay boobka iyo dhaca iyo dilka qaranka soomaaliyeed ee xorta ahaa waligiiba.isbahaysiga xaqiirka dhiiga aadanaha cabaa waxay keentay in ay ku shiraan oo qaybsadaan qarankii soomaaliyeed ee geeska afrika ayagoo u qaybsaday 5 qaybood 1884 barliin. waxay ukla qaybiyeen ehelkii iyo dadkii wada dhashay oo walaalaha ahaa soomaaliyeed  sidan.
1.koonfur soomaaliya talyaani baa lasiiyay
2.waqooyiga soomaaliya ingiriis baa lasiiyay
3.jabuuti soomaaliya faransiis baa lsiiyay
4. galbeedka soomaaliya ingiriis baa lasiiyay(kadib buu eithiopia kuwareejiyay)
5.NFD dhulka soomaaliyeed ee dhanka kenya xiga ingiriis baa lasiiyay( kadibna kenya ayuu ku wareejiyay)
Wax talo galya ah lagama waydiin umadii soomaaliyeed ee dhulkan iska lahayd. si soomali aysan mustaqbalka u yeelan awood ayaa lookala qaybiyay,wadamada walaalaheen ah ee afrikaanka aynu isla nahay qoortuu inoo galiyay gumaystuhu si qaran soomaaliyeed uu san u hanaqaadin dhib dariskeena ahina u taagnaado waligii oo geeska afrika isku mashquusho cadawna isu ahaato waligeed. markaa dariskeenii wuu dhibay inagana wuu ina curyaaminayaa gumaystuhu waligiiba.
Gumaystuhu inooma ogola aqoonta,inooma ogola dhaqaalaha in aan isku filaano. nabad iyo hormar inooma ogola. soomaali way iska diiday in ay iibsato gobonimadeeda iyo raganimadeeda. awoow yaalkeen iyagoo laba go dhar ka wata hubna waran iyo falaadh iyo gaashaan iyo tooray ka wata ayaa ay diideen in ay raali ka noqdaan dulmi iyo in dhulka soomaaliyeed la iska qaato dadkana la adoon sado diintana laynaga badalo taa way diideen kana dhiidhiyeen waana mahad sanyihiin. hadaba soomaali ma ogola mana ogolaan doono gumaysi iyo in la rarto waligiiba.
Waxaa laynaga maray dhanka qabiilka oo la darsay in aynu xiisayno jecelahay isagiibaa laynugu kala qaybinayaa waa tab la helay khatarna ku ah dalkeena iyo jirtaankeena. qabiilka laynugu kala qaybiyay ee la siyaasadeeyay ayaa keenay in aynu dawladii inaga burburtay dib u dhisan wayno. hada waa isasoo fahmaynaa waa aragnay halka laynaga galay. waxaad hada u jeedaan madaxwaynihii soomaaliyeed xasan sheikh iyo madax waynayaashii gobolada oo shalay aan is arki karin kala fikir ah oo lookala sheekeeyo in ay maanta hal yihiin is aamineen fahmeena dabinka loo dhigay soomaali. xasuusnoow waligeedba soomaali sinji bay u leedahay garashada fiican iyo xeel dheero nimada. waana dalka kaliya ee afkiisu u qoran yahay afrikada laguumaystay dhamaan.
153ab
Hadaba madaxda fadaraalka iyo kuwa dawlad goboleedyada gacmaha ayay is haystaan waxayna dhisayaan hanaan dawladeed quruxbadan 2016.ciidan fadaraal ah oo booliis iyo milatariba leh iyo nabad sugid ayaa la dhisayaa oo dalka gacan bir ah ku qabta shisheeyuhuna waa iska tagayaa. soomaali way soo ceshatay dad nimadii iyo karaamadii ay lahayd cadawgeeduna wuu jabay. hadayna dhaafayaan dhan walba afrikada madaw iyo badi caalamka.dad badan ayaan fahan sanayn dadka soomaaliyeed waxay aduunka kasoo a haayeen oo ah inay xukumi jireen boqortooyadii ugu xadarada badnayd afrika sida faraaciintii iyo tii kuush ee katalinaysay ugandha,kenya,eithiopia iyo somaaliya oo soomaali xukumaysay. reer yurub waa ogyihiin ninka soomaaliga ahi wuxuu yahay oo uu galo ama gudo isaga unbuuna iska ilaaliyaa afrika. hindida iyo carabta iyo afrkada kale oo dhami reer yurub gumaysigiisa waa u nugushahay wayna ka haybaystaan ninka cad soomaaligu ma ogola madax hoos dhigaas ninkaa gaal,waayo waa gob soo jireen ah soomaaligu.
Soomaali hada waa soo jeed satay,dalkeeday dhisan,caruurtooday bari afka soomaaliga iyo diinta dalkooday ilaashan waana isku duuban tahay soomaali. dhibaato waxaa noogu filan 25 sanadood oo dawlad la aan ah oo shisheeye naga faa iidaystay intaan isku jeednay,hada waa dhamaatay.qofkasta oo soomaali ah waa tanaasulay oo waa u tanaasulay walaalkii si aynu shisheeye meel usaaro dalkeena u dhisano. madax waynaha aduunka uugu liita haduu inoo talinayo waa ogolahay inta xiliguusu ka dhamaanayo. madaxdeena waa sharfaynaa waana jeclaanaynaa waayo waa soomaali waana madaxdeenii. aad baan uugu farasanahay raga hada inoo kacay ee ina hogoominaya kuwa gobolada iyo kuwa fadaraalkaba. waxan jeclahay oo xushmo uhayaa madax waynahayga xasan shekh,afhayeenka baarlamanka jawaari,raysulwasaare sharmarke,madaxwaynaha jubaland,axmed madoobe,madaxwaynaha koonfur galbeed shariif,madaxwaynaha galmudug cabdikariin,madaxwaynaha puntland cabdiwali waxaan kaloo jeclahay madax waynaha somaaliland siiraanyo,waxaa kaloon jeclahay kan soo socda oo ah hiiran iyo shabeelada dhexe kuli waa dadkaygii iyo dalkaygii gacmaha ayaanu is wada qabsan haldawlad baanu nahay walaalo ah soomaali ah.dawladnimaan rabaa,qaran baan rabaa,qabiil ima deeqo mana doonayo waxaa ideeqa diinka eebahay calankaa cirka u eg ee xidigta cad leh soomaali baan ahay soomaalina waa jeclahay dawlad la aan marabno waa diidnay waa diidnay waa diidnay dawlad baan rabnaa.
W/Q Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com

About The Author