Sawirro” Boqor Burhaan oo Qaabiley Gudigii dhismaha Wada’da Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.

Boqorka guud ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxa uu magaaladda Qardho ee xarunta dhaqanka Puntland ku qaabilay Gudiga dhismaha wada’da isku xiridoonto deegaanadda Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.

Qaabilaada Gudigaan ayaa ahayd mid Qado sharaf ah,waxaana ay salka ku haysay isxog waraysi dhinacyo baddan taabanaya oo Gudigu ay Boqor Burhaan uga warbixinayeen halka ay marayso dhismaha wada’da Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.

Gen Cali Ismaaciil oo kamid ah Gudiga waxaa uu sheegey in howshan ay tahay mid aan wali dhawayn islamarkaana loo baahan yahay in umadda reer Puntland ay u usoo jeestaan sidii ay guul uga gaarii lahaayeen dhamaystirka wada’da isku xiridoonta Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo ee Puntland.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isna qaatey kalmadiisa waxa uu tibaaxay in aysan ku ekaan doono dhismaha wada’daan balse ay jiri doonto qorshayaal kale oo dhamaan dalka lagu hormarin doono ilaa ay ka rumowdo hanaanka isku tashiga umadda reer Puntland waa sidda uu sheegey Boqor Burhaan.

Shacabka reer Puntland ayaa usoo jeestay in ay noqdaan kuwo iyagu isku tashadda waxaana Fikrada isku tashigu ay ku bilaabatey kadib markii ay shacabwaynaha reer Puntland ay hantidooda ku dhismeen Buunda’da Midigar oo labo sano ka hor ay burburiyeen Rooban ka da’ay deegaanadda gobolka Nugaal ee Puntland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA.

vlcsnap-2015-11-15-08h30m03s228 vlcsnap-2015-11-15-08h30m15s109 vlcsnap-2015-11-15-08h30m32s39 vlcsnap-2015-11-15-08h30m42s148 vlcsnap-2015-11-15-08h32m10s2

About The Author