War Dag’dag ah:- Wafdi hor dhac ah oo u baxay gobolka Gar’dafuu ee ay saamaysey duufaanti MEGA.

Waxaa maanta magaaladda Bossaaso ee xarunta Ganacsiga dowladda Puntland ka anba baxay wafdi iskugu jira xubno matalayey hay’addaha UN ka iyo maamulka Gardafuu ee Puntland.

Ujeedka socodka wafdigaan ayaa salka ku hayey qiimaynta ay deegaanadda gobolka Gardafuu ay  ku yeelatey duufaamihii isxigey Chapala Cyclone iyo Mega Cyclone oo ku dhuftey deegaanadda xeebaha dhaca ee Puntland.

Wafdigaan ayaa waxa ay hor dhac u yihiin wafdi ay dowladda Puntland u xilsaartey qiimaynta iyo gar’gaarka dadkii iyo hantidii ay wax yeelaysey  Dufaantu.

Sidda wararku sheegayaan inta ay joogaan wafdigani deegaanadda ay saamaynta u gaysteen Duufaamuhu ee gobolka Gardafuu waxa ay sidoo kale bixin doonaan Arimo gar’gaar ah waloow aysan cadayn qaabka ay wax u qaybin doonaan balse ujeedka u wayn ayaa ah in qiiman dhab ah ka soo sameeyaan deegaanadda wax yeeladu gaartey.

About The Author