Dhagayso: Qaad Baraxleey kasoo degay oo lagu Gubay Degmada Burtinle

15 Nov 2015 (Puntlandes) Maxkamada Degmada Buurtinle ayaa maanta Xukun in meel fagaare ah lagu gubo ku xukuntay qaad laga soo dajiyey Xaafada Baraxleey ee koonfurta Magaalada Gaalkacyo, kaasoo maanta la gubay.

153d

Qaadkan oo dhamaa laba Jawaan ayaa la doonayey in si dhuumaalaysi ah lagu soo galiyo Puntland, waxaana Ciidamada amaanka Puntland qabteen Shalay galab, waxaana Maxkamadu ninkii watay qaadka oo ah nin reer Puntland ah ay ku xukuntay 1000 oo ganaax ah.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaah Maxamed (Faraweyne) oo goob joog ka ahaa goobta lagu gubayey qaadka oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inaysan ogolayn in deegaanada Puntland la soo galiyo qaad laga soo dajiyey Xaafada Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ama Cadaado.

Guddoomiye Faraweyne ayaa u digay dadka reer Puntland inaysan isku dayin inay Qaad ka keenaan Xaafada Baraxleey ama Cadaado, isagoo sheegay cidii lagu qabto inay Ciqaab xun la kulmi doonto.


Puntlandes.com

About The Author