Dhagayso: Dowladda Puntland oo maalinta berito qabanaysa shirarkii Doorashada Soomaaliya ee 2016

15 Nov 2015 (Puntlandes)  Guddiga dowladda Puntland u saartay qabashada shirarka wadatashiga heerka qaran ee la xariira doorashada Soomaaliya 2016 ayaa maanta shaaciyay xilliga la qabanayo iyo tiradda dadka ka qayb galaya inta ay dhan tahay.

153c

Wasiirka Deegaanka Puntland Cali CabdilaahI Warsame oo guddigan qayb ka ah ayaa sheegay shirarka wadatashiga inay maalinta berito ah ka bilaaban doonaan lix magaalo oo kala ah Gaalkacyo, Garowe, Qardho, Bosaso, Badhan iyo Tukaraq iyagoo soconaya mudo labo maalmood ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay dadka ka qayb galaya ay tahay lix boqol oo bulshada laga soo xulay, kuwaasoo wax laga waydiinayo siday u arkaan in laga dhigo doorashada Soomaaliya waddada loo marayo.

153ca

Maalinta berito ah ayaa waxaa ka furmaya Garowe shir lagu daah furayo oo ay  kasoo qayb galayaan madaxda Puntland iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Dhaqaalaha ku baxaya dhammaan shirarka lixda magalo dowladda Puntland ku qabanayso ayay sheegeen guddiga inay Puntland bixinayso.

Dhagayso qaybta 1aad


Dhagayso qaybta 2aad


PUntlandes.com

About The Author