Daawo Wasiir Odowaa oo waxba kama jiraan ka dhigay Shirarkii Wadatashiga ee PL yirina 150 kaliyaan Xisaabinaynaa!!!

Barnaamijka Deperani Show ee uu daadihiyo wariye Jaamac Deperani ayaa waxa uu jimcahan marti ku ah  Wasiirka Ariha Gudaha DFS Odowaa. Wasiir Odowaa waxa uu si aan gabasho lahayn u sheegayaa inanuusan AQBALAYN dadka gaaraya 600 qof oo dawlada Gaas ay ugu qabatay shir wadatashi lix magaalo oo kala ah Gaalkacyo, Garowe, Tukaraq, Badhan, Qardho iyo Bosaso, iyadoo Xukuumadda Gaas isugu keentay min 100 qof magaalo kasta.

156aa

Wasiir Odowaa ayaa yiri “150kii aanu siinay kaliyaan tirinaynaa kuwa kalena waa waxba kama jiraan” waxaa iswaydoiin leh maxay tahay sababta ay Xukuumada Gaas lacagta faraha badan ugu bixisay abaabulka dadkaas haddiiba uu diidan yahay Wasiirka aadka u awooda badan madaxweyne Gaas na uu hoos yimaado??

Wasiir Odowaa ayaa hadalkan jeediyey isagoo dhex fadhiya Madaxtooyada Puntland, waxaana ka muuqata isku kalsoonaan wayn.

Daawo Hordhac waraysi Wasiir Odowaa & Deperani Show

About The Author