Wariye Deperani oo Xabsiga Dhexe oo gudbiyey maanta kadib markuu Wasiir Soocadde codsatay 15 cisho oo leh

21 Nov 2015 (Puntlandes) Wariye Jaamac Deperani ayaa maanta waxaa loo dhaadhiciyey Xabsiga Dhexe ee Garowe kadib markii ay Wasiirka Warfaafintu dalbaday 15 cisho oo dheeraad ah, isagoo ku doodaya inuu u baahan yahay waqti dheeraad ah oo kusoo baaro.

157ac2
Bidix Wasiir Soocadde midig Weriye Deperani

Waxay ahayd maanta in Maxkamad la keeno laakiin waxaa loo gudbiyey Xabsiga Dhexe kaasoo lagu xiro dadka dambiyada waawayn gala.

Qaar ka mid ah wariyaasha ka hawlgal Garowe ayaa banaan bax ka sameeyay Aqalka Barlamanka Puntland hortiisa, iyagoona sheegay in loo diiday inay la kulmaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Wariyeyaasha ayaa sheegay inuu Wasiir Soocadde dalbaday si Sharci daro ah in loo sii hayo wariye Deperani inta uu kasoo noqonayo shir uu Xamar u aadayo, taasoo ah wax aan sinaba la aqbali karin tani awalna lagu xiray Sharci daro.

157ac1 157ad

About The Author