Sawiro: Magaalada Garoowe oo laga Hirgeliyey Nalalka Qoraxda ku Shaqeeya

21 Nov 2015 (Puntlandes) Dowladda hoose ee Degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa markii ugu horeysey ku guulaysatey inay qaar kamid ah wadooyinka laamiga ah ee magaalada ka hirgeliso Nalalka Qoraxda ku shaqeeya, kuwaasoo qayb weyn ka qaadanaya bilicda caasimadda iyo ammaanka.

Nalalka Qoraxda ku shaqeeya oo xilligaan lagu tijaabiyey laguna guulaystay inay ka shaqeeyaan wadada laamiga ah ee Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, ayaa waxaa sidoo kale lagu tixi doonaa dhammaan jidadka laamiga ah ee magaalada sida uu sheegay xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Garoowe.

 

DSC06863 DSC06864 DSC06865 DSC06866 DSC06868 DSC06869 DSC06870 DSC06872 IMG_4707-450x300

About The Author