Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo isticmaalay hadaladii ugu adkaa ee ku wajahan Dowlada Xasan Culusoow, digniin kamadambays ahna u diray

0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas’ ayaa sheegay in Beesha Caalamku ay wado talaabo ay ku dhexdhexaadinayso Dowlada Puntland iyo DFS.

Dr Gaas  ayaa yiri ‘’Waxaan maqlayay dad Mas’uuliyiin ah oo si aan Laaqi ahayn uga hadlayay Idaacadaha iyo Telefishanada,laakiin annaga mawqifkayagu wuxuu ku dhisan yahay Soomaaliya oo Federaal ah,Soomaaliya oo ku dhaqanta Dastuurka’’

 

Dr Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray‘’Dastuurku waa heshiis Bulsho oo la samaystay,isaga marka in la jabiyo ama la rifo ama wax laga badalo iyadoo cidii dhigatay aysan u dhamayn waa Mas’uuliyad daro iyo meel ka dhac,waxaan rabnaa in wax kasta oo la dhisayo in lagu saleeyo Dastuurka la wada samaystay’’.

 

Dr. Gaas ayaa u digay dowlada Xamar wuxuuna yir ‘’Mawqifka Puntland waa cad yahay,hadana haddii isbadal ka iman waayo dhankaas waxay noqonaysaa in talaabada ku xigta ay xukuumaddu qaadato,laakiin marnaba gorgortan laga gali maayo jiritaanka Puntland iyo waxkasta oo wax u dhimaya midnimadeeda iyo saaxada Dhulka ay ku fadhido’’

 

Dr Gaas ayaa hadalka ku soo gabagabeeyey isagoo cadaynaya lama taabtaanimada dhuleed ee Puntland isagoo madaxweyne Gaas isticmaalaya weero adag ayuu wuxuu yiri ”in Puntland aysan Dhulkeeda cidna marti uga ahayn” isagoo hadalka sii wata ayuu iswaydiiyay ”waxa loola jeedo maamulka Mudug iyo Galagaduud”!!!!!. “Mudug waqooyigeeda waxaa iska leh maamushana Puntland cid gorgortan looga galayaana ma jirto oo waa masiirka Puntland”

 

 

Hoos Ka Dhagayso Madaxweyne Dr Gaas     

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *