Dhagayso: Nabadoon Yaasiin Cabdisamad: ’Areey Xuduuda Talyaaniga ee Gobolada Dhexe Buuryaqab aay taala

0

Gaalkacyo (Pes): Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo nabadoon u ah beel ka mid ah beelaha dega Gobolka Mudug ayaa sheegay in aysan u soconayn madaxweynaha DFS Xasan.Sh boobka uu damaaciyey in uu ku boobo Gobolka Mudug.

546

Yaasin  ayaa yiri isagoo hadalka sii wata in reer Puntland ay Aqoon,waqti iyo dhaqaale galiyeen midnimada umada Soomaaliyeed,ayna horseedeen in Dowladu ay kabaxdo KMG-nimada, taas badalkeeda Puntland loogu abaal guday in la isku dayo in meesha laga saaro jiritaankeeda,si ay ula mid noqoto Gobolada dhibaatada ay ka jirtay 23-sano ee tagay.

43

Yaasiin ayaa isagoo u digaya dadka damaaciyaya dhulka Puntland wuxuu yiri ‘’Dir waxay yiraahdeen Daarood baan rabnaa inaan xoog ku qabsano,oo Ingiriiskii ayaa nooga tagay,dhaxal baan u leenahay,war goormaa Ingiriisku na yeeshay?!!,goormaa noqonay Bidood ama dad la leeyahy,xalay qolyahaan Hawiye ayaa lahaa ‘’Areey Xuduuda Talyaaniga Buuryaqab ayay taala Xuduuda Gobolada Dhexe,war dad Jeeb gali kara ma nihin,waxaan leenahay qolo kasta meesha ILAAHAY ku beeray Ceelka iyo Carshinta u ah ayaa tilmaan iyo talo inoo ah’’.

470 547

Gabagabadii Yaasiin wuxuu ugu digay Madaxweyne Xassan Culusoow inuusan ku shaqayn fikirka  Axmed Diiriye iyo Xaad,oo diidan Midnimada iyo wada jirka umada.

 

Hoos Ka Dhagayso Codka Yaasiin

Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *