Gobolka Mudug: Xasan Culusoow oo shaaciyey wax uu ugu yeeray Gudi ka shaqaynaya dhisida Dowlada Gobolada Dhexe

0

Warbaahinta caalamiga ee Puntlandes ayaa ogaatay in DFS ta Xasan Culusoow, ay dhiseen wax ay ugu yeereen gudiga ka soo shaqeyn doonto dhameystirka Maamulka Galgaduud iyo Mudug. Wuxuuna ka Kooban yahay ”Gudigu” 25 Xubnood
Xubnaha Gudigan ayaa waxay kala yihiin qabiiladooda iyo meesha ay ka soo jeedaan sidan hoose:
1- Beesha Habargidir ee Gobolka Galgaduud iyo Mudug ,waxaa ay heleen 9 Xubnood.

2-Beesha Murusade ee Gobolka Galgaduud,waxaa ay heleen 3 Xubnood.

3-Beesha Abgaal ee Gobolka Galgaduud,waxaa ay heleen 2 Xubin.

4-Beesha Duduble ee Gobolka Galgaduud,waxaa ay heleen 1 Xubin.

5-Beesha Sheikhal ee Gobalka Mudug waxaa ay heleen 1-xubin.

6-Beesha Mareexaan ee gobolka Galgaduud,waxaa ay heleen.3-xubnood.

7-Beesha Majeerteen ee Gobalka Mudug waxa ay heleen 2-xubnood waqooyiga Mudiug (Puntland)


8-Beesha Leelkase ee Gobalka Mudug waxa ay heleen,2-xubnood waqooyiga Mudiug (Puntland)

9-Beesha Dir ee Gobalka Mudug waxa ay heelen 1-xubin waqooyiga Mudiug (Puntland)

10-Beesha Carab Saalax ee Gobalka Mudug waxaa ay heelen 1-xubin waqooyiga Mudiug (Puntland)

Waxaa lagu xusay magacaabitaanka sidatan:

Sida loo soo xulay Gudigan wuxuu ku salaysan yahay sida loo kala degen yahay Gobolada,Mudug iyo Galguduud.

Waxaana ugu badan degaan ahaan labadaas Gobol (1)Beesha Habargidir (2) Beelaha Murusade i(3)Mareexaan (4) Leelkase (5) Others (dadka laga tirada badan yahay.

Waxaa intaa lagu sii daray in ay ku qanceen dhamaan qabiilada degan labadaas Gobol.

 

Gudiga 25 ka ah 16 waa Hawiye!!!!! Halka ay 9 xubnood Habargidir ka yihiin!!!!!!!

FG: Beelweynta Majeerteen ee Gobolka Mudug waxaa lagu daray dadka laga tiro badan yahay (Others) War bal dayoooy

 

Xagee wax si ka yihiin

Reer Puntland iyo reer Mudug midna lagalama tashan

raalina kama aha waana waali cad oon Geedna loogu soo gaban.Reer Mudug waa Puntland wayna ahaan doonaan.  Xasan Culusoow iyo xertiisa ay waalidu la tagtay waxay guureen Geedi qalad ah oo la rabo in Federaalka lagu carqaladeeyo colaadna lagu huriyo.

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *