Akhriso Qoraal ay Shacabka Degmada Bookh ee DDSI u gudbiyeen Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar

17 Dec 2015 (Puntlandes) Iyadoo uu bishaan aan ku jirno ee Decembar bilowgeedii uu Booqasho taariikhiya ku tagauy magaalaga Bookh ee Gobolka Boolo madaxweynha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxay Warbaahinta Puntlandes heshay Qoraal ay Shacabka magaalada Bookh qaybahooda kala duwan ay u gubiyeen madaxweynaha.

177b1

Dadwaynaha ku nool magaalada Bookh iyo nawaaxigeeda oo aad ugu diyaar garoobay imaanshaha madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxay si wada jir ah ,oo ay ka baaraan dageen u soo qoreen Baahiyaha iminka haysta oo ay u baahan yihiin inmadaxweynuhu ka caawiyo shacabka Degmada Bookh oo ah Degmo aad u ballaaran ayna hoos yimaadaan Tuulooyin fara badan iyo dhul aad u baaxad wayn.

Safarka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la xiriiray u kuurgalin xaalada Guud ahaan Deegaanka Soomaalida iyo gaar ahaan kan Degmada Bookh, isagoo madaxweynuhu u kuurgalayey baahiyaha ay Shacabkiisu qabaan iyo inuu wax ka qabto.

Isbedel wayn oo Horumarineed ayaa ka dhacay DDSI intii uu xukunka hayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

177b2

Qaybaha kala duwan ee shacabka Degmada Bookh oo kala ahaa Odoyaal, Cilimaa¨udiin, Haween, Dhalinyaro iyo Waxgarad ayaa u gudbiyey madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar 6 qodob oo ay ka codsadeen madaxweynaha inuu wax kala qabto, warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya inuu madaxweynu aqbalay oo uu balan qaaday inuu wax ka qaban doono inta badan Qodobadii ay u soo gudbiyeen Shacabwaynaha Degmada Bookh.

Akhriso Qoraalka

image-aad8051316d14ac50ea72bb7a67f969e862a598f5f4348fa12165519c1050045-V (1)

 

About The Author