Dhegayso: Waxgaradka Galmudug ”Nabada Gaalkacyo waxaa lagu heli karaa heshiiskii 1993 oo la Tuuro & Hantida guud oo la qaybsado”

22 Dec 2015 (Puntlandes) Suldaanka Beesha Sacad Cabdinaasir Jaamac Seed  oo ka mid ah mada dhaqameedka maamulka Galmudug ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Nabad lagu heli karo in waxay ay doonayaan la siiyo oo kaliya, taasoo ah Canshuurta ay bixiyaan Shacabka reer Puntland ee Gobolka Mudug iyo gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Suldaan Seed waxaa uu caddeeyay aragtida reer Galmudug ay ka qabaan nabadaynta Gaalkacyo wuxuuna yiri maruu ka hadlayey arinkaas ”Dadka & odayaasha Galmudug waxay qabaan in nabada magaalada Gaalkacyo lagu keeni karo in la helo heshiis rasmi ah, iyadoona la TUURAYO ama Meeshaba laga saarayo heshiiskii 1993 oo wax badan aan laga fulin marka laga reebo hal qodob oo ahaa wada dagii magaalada kaas oo marka dagaal dhaco saamayn ay ku yeelato, waxaana heshiisyadii dhacay tan iyo 1993 ay ahaayeen kuwo KMG ah”

Waxaa wax lala yaabo ah aana soconayn in uu ay reer Galmudug u hanqal taagaan wax ay leeyihiin Reer Puntland iyo canshuurta ay iska qaadaan?

Yaa iswaydiiyey Hantidii kala ahayd Guryaha, Beeraha ee gaarka ay u lahaayeen reer Puntland Xooggana ay ku haystaan ilaa 1991dii ilaa iminka? Yaa iswaydiiyey Hantidii ummadda ka dhaxaysay ee ay Xoogga ku haystaan waa isaga Suldaanku u hanqal taagaya hantida reer Puntland e?

Dhegayso Waraysiga Suldaan Seed


Puntlandes.com

About The Author