Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo si rasmi ah xilka ula wareegay maanta

27 Dec 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif  ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilkiisa, kadib markii dhawaan uu madaxaweynaha Puntland usoo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Mudug.

180b1

 

Gudoomiye Xasan waxaa xilkaan ku wareejiyay Gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad Farxaan Cali Xaad oo horey u ahaa kusimaha gudoomiyaha tan iyo markii uu meesha ka tagay gudoomyihii hore Cabdiqaadir Shirre Yuusuf Ereg.

Gudoomyaha cusub ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gaalkacyo kahor intaan xilkaan loosoo magacaabay.

Puntlandes.com

About The Author