Daawo Video-Sawiro: Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed oo Booqday maanta Wadada Galkacyo-Dhaxayacadde oo dhisme ku socdo

????????????????????????????????????

29 Dec 2015 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo xilka la wareegay Axaddii ay bishu ahayd 27ka dec ayaa maanta  Booqday Wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo Degaanka Dhaxayacadde oo ay dawladda Puntlamd ka wado shaqo lagu samaynayo ama lagu dhisayo.

 

Wadada isku xirta magaalda Gaalkacyo iyo Degaanka Dhaxayacadde ayaa dhererkeedu dhan yahay 14km.

Wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Gobolka Mudug iyo Agaasimihii Hay’ada Wadooyinka Puntland Maxamuu dAbdinuur Ali.

Agaasimihii Hay’ada Wadooyinka Puntland oo hadlay ayaa sheegay in ay dhawaan soo gabagabayn doonaan dhismaha wadadan ayna dadka reer DhagaxyoCadde ku tegi gaari doonaan magaalada Gaalkacyo muddo dhan 10daqiiqo.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo isna ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyey Hay’ada Wadooyinka Puntland, gaar ahaan Shaqaalaha ku hawlan Dhismaha wadadan aadka muhiimka u ah.

Dhanka kale Gudoomiye Xasan ayaa shacabka Gobolka mudug ku guubaabiyey inay ka qayb qaataan Horumarinta Gobolkooda iyagoo ka duulaya halhayskii madaxweynha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa ”Puntland ha isku tashato”

Hoos ka daawo Sawirro

DSC_0289DSC_0290DSC_0291DSC_0292DSC_0293DSC_0294DSC_0295DSC_0296DSC_0297DSC_0298DSC_0299DSC_0300DSC_0302DSC_0304DSC_0305  DSC_0307DSC_0308DSC_0309DSC_0310DSC_0311DSC_0312DSC_0313DSC_0316DSC_0317DSC_0330DSC_0331DSC_0333DSC_0334DSC_0335DSC_0339DSC_0340DSC_0341DSC_0343DSC_0344DSC_0345DSC_0346DSC_0348
Puntlandes.com

 

 

About The Author