Dhagayso: Xaliimo Yarey “shaqadii Gudiga Doorashooyinka waxaa la wareegay Madasha Wadatashiga Qaran”

31 Dec (Puntlandes) Xaliimo Yarey oo ah Gudoomiyaha Gudiga lagu muransan yahay ee DFS u qaabilsan “Doorashada Qaranka” ayaa mar ay shalay khudbad ka hor jeedisay Baarlamaanka DFS  aad u dhaliishay siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh oo awalba iyada si sharci daro ah ku keensaday.

183a1

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ku jiraan madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ay la wareegeen howshii guddiga doorashooyinka qaranka, waxaayna Baarlamanka DFS ugu baaqday inuu u doodo sidii guddigan, oo ay ansixiyeen xildhibaannada, dib loogu soo celin lahaa maamulka howshii loo aas-aasay.

Waxay kaloo kusii dartay in aysan Shirci ahayn Doorasho aysan Gudigeedu maamulin.  Baarlaamnka iminka wuxuu waqtigiisu ku eg yahay 19ka Agoosto 2016ka, iyadoo ay tahay in la dhaariyo kan cusub 20ka agoosto 2016ka.

7-bilood wax ka yar ayaa ka harsan tahay xilliga la filayo in Soomaaliya ay doorasho ka qabsoonto ayaan wali la sameyn sharcigii doorashooyinka ee qeexi lahaa hanaanka loo marayo doorashada 2016.

Dhanka kale Xaliimo Yarey ayaa hay’adaha DFS ku eedeysay inaysan guddiga doorashooyinka ku tix-gelin howshooda.

Dhagayso Xaliimo Yarey oo VOA waraysatay


Puntlandes.com

About The Author