Dhagayso: Maamulka Shariif Xasan ee KGS oo ay ka diideen Saraakiisha Itoobiya in ay geeyaan Ceelbarde, Aato & Yeed

01 jan 2016 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegay in Xildhibaano DFS oo taageersan maamulka KGS ee Shariif Xasan madaxda ka yahay ay Shirar xasaasi ah oo la qaateen Sakiisha hogaamisa Ciidamada Itoobiyaanka ee halkaas ku sugam iyagoo ka codsaday in Saraakiisha Itoobiyaankau ay geeyaan Ceelbarde, Aato iyo Yeed.

175c8

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa ka diiday in Xildhibaanadaas ay tagaan Magaalada Ceelbarde waxayna sheegeen in marna ayna ogolaan doonin in ay Xildhibanadaas ay geeyaan Magaalada Ceelbarde oo xiligan uu ka shaqaynayo Maamulka Bakool Sare oo iyagu ayna raali ka ahayn dhismihiisa.

Dhanka Kale Waxaa Magaalada Xudur lagu wadaa in maanta ay gaaraan Xildhibaano kale oo uu horkacayo  Aadan Madoobe oo aad u taageersan maamulka Shariif ee KGS.
Dhagayso warbixin ku saabasan


Puntlandes.com

About The Author