Xog: Maxaa Saaka ka Cusub Xarunta ganacsiga Dawlada Puntland Ee Boossaso

Magaalada Bossaso ee xarunta ganacsiga Dawlada Puntland ayaa saaka si heer sare ah looga dareemayaa udiyaar garowga munaasabada furitaanka Garoonka caalamiga ah ee uu 8 janaayo xariga ka jari doono madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. c/wali Maxamed Cali Gaas
Waxaa wadooyinka xaafadaha kala gadisan ee Degmada Boossaso Lagu xardhay calanka Puntland iyo Kan Soomaaliya , waxaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyay amniga ayadaa ciidamo kala duwan lagu soo daadiyay wadooyinka gala magaalada iyo kuwa kabaxa

bossaso 1
Waxaa sidoo kale kusoo qulqulaya magaalada wafuud kala duwan oo hadafkoodu yahay ka qaybgalka xaflada furitaanka garoonka taariikhiga ah ee ay Puntland yeelanayso markii ugu horaysay abid, dadka imaanaya badidoodu waa qurbe joog ree Puntland ah.
Waxa sidoo kale lafilayaa in ay manta Boossaso soo garaan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Raysul wasaarihii hore ee Somaaliya Pro. Cali Maxamed Geedi, Raysul wasaarihii hore ee Soomaliya C/wali sheikh Axmed, Dr baadiyoow, iyo siyaasi salad cali jeele
Waxa sidoo kale saaka xarunta Ganacsiga Puntland kuwajahan Madaxweynihii hore ee Dawlada Puntland Dr C/raxmaan sheikh Maxamed Maxamuud Faroole, isku soo wada duuboo xaalka boossaso saaka waa mid aad u dagan waxana lafilayaa in ay wax walba kusoo dhamaadaan sida qorshuhu yahay.
Puntlandes.com
Xafiiska wararka Boossaso

About The Author