WAR DEG DEG: C/kariim “Safarka Gudoomiye Jawaari Dhuusamareem wuxuu Carqalad ku yahay Nabada & Xasiloonida Soomaaliya”

07 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Galmudug ee Cadaado Cabdikariim Xuseen Guuleed oo shir jaraaid ku wabtay degmafa Cadaado ayaa si wayn u eedeeyey gudoomiyaha Baarlamaanka DfS Jawaari, isagoo ku eedeeyey inuu Fidno abuur u tagay magaalada Dhuusamareeb.

C/kariim oo VOA u waramay ayaa yiri “safarka gudoomiye Jawari wuxuuu dib u dhac ku keeni karaa wada hadaladii noo dheexeyey anaga iyo Ahlusunna, wuxuuna carqalad ku yahay Shirka Kismaanyo ee Madasha wadatashiga.

Ckariim oo hadalka sii wata ayaa yiri ” ujeedooyin qarsoon ayaa ka dambaysa safarka, waxaana u arkaa inuu Carqalad ku yahay Nabada Iyo Xasiloonida Soomaaliya”

About The Author