Daawo Video: Khudbadii Garoonka Bosaso ee Salad A Jeelle “Hadda Hooyadu marka ay Foolanayso, haday Fooshu ka idlaato, hadda Kululayso ayaa lagu duraa”

09 Jan 2016 (Puntlandes) Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa Khudbad shalay ka jeediyey Munaasabaddii Furitaanka Garoonka cusub ee Boosaaso, isagoo aad u dhaliilay habka Qabaliga ah ee 4.5 sheegayna in laga soo gudbay aana la qaadan karin Soomaaliyana aysan u baahnayn.

Salaad ayaa yiri ” Sida Qu’aanku sheegay waa in Axdigii la galay la fuliyo” isagoo yiri Soomaaliyi waxay ku heshiisay inaan mar dambe la qaadan 4.5 ee loo gudbo Deegaan.

Salaad ayaa yiri “Hadda Hooyadu marka ay Foolanayso, haday Fooshu ka idlaato, hadda Kululayso ayaa lagu duraa… dawladeena haduu dhiigu ku yaraado hadda Shacabka Soomaaliyeed ayaa la rabaa inay Kululayso ku duraan si waxa aan rabno u dhasho”

185d1

Puntlandes.com

About The Author