Madaxweyne Axmed madoobe oo deg dega ugu tagay Muqdisho Saaka

08 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa saaka safar deg deg ah ugu aaday magaalada Muqdisho.

185d2

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay in madaxweyne Axmed madoobe uu iminka kulan albaabadu u xiran yihiin kula leeyahay magaalada Muqdisho madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay ka wada hadlayaan Axmed Madoobe iyo Shariif balse waxaa suuragal ah in kulankoodu la xidhiidho shirka Kismaayo iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Somalia.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu isla maanataba dib ugu soo laabto magaalada Kismaayo.

Waraka kusoo kordha Shirka  Axmed Madoobe iyo Shariif iyo safarka  Axmed Madoobe kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author