Daawo Video: Khudbadii Madaxweynaha DFS ee Xalay “Waxa tanasula Qofkii wax haysta” maruu ka hadlayey 4.5

09 Jan 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa xalay  ka jeediyey Khudbad aad u dheer Xafladii Xuska sanadguuradii 2aad ee markii la Doortay madaxweyne Gaas, isagoo ka hadlay dawladanimada Puntland iyo Hprumarka ay Puntland ku talaabsatay intii ay jirtay, habka Guracan ee ay Soomaalidu wax kusoo qaybsan jirtay ee 4.5 wuxuuna u caddeyey shacabka inuu wali ku dhegan yahay.

Ugu horayn Madaxweyne Xasan ayaa yiri “waxaan Qirayaa inay Puntland tahay Hooyadii Federaalka Soomaaliya”wuxuuna ku daray inay Guusha iyo Hoeumarka ay Puntland gaartay waxaa sal u ah Midnimada Shacabka reer Puntland.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayey habka Guracan ee Qabaliga ah ee ay Soomaliyi ku heshiisay 2012kii in laga Gudbo ee 4.5 ayaa waxa uu yiri ” Horta yaa Tanasula , qofka wax haystaa Tanasula” isagoo ula jeeda Puntland oo soo Tanaasulaysay ilaa 2000 ee Carta in ay waligeed ka tanaasusho in la gaaro dawladnimada ay Soomaaliya Hiigsanayso laguna hayo meesha ay joogto.

Mar kale oo uu si dadban u difaacayey habka Qabaliga ah ayuu yiri “Puntland oo dawlad ahayd 18 sano Horumarkaad aragtaana gaartay wali ma gaarin Deegaan” laakiin waxa uu madaxweynuhu ishilmaansiinayaa in Puntland Baarlamaankeedu uu Deegaan ku salaysan yahay Gobol kastaana uu leeyahay Kuraas u go’an ee uusan ku dhisnayn habka Qbiilka ee 4.5,

Khudbada Madaxweyne Xasan oo ka badnayn 30 daiiqo waxa uu ku dhameeyey Difaaca Habka Qabiilka ee 4.5, isagoo u arka inuu ku dhegaado waxa uu dantiisa u arko meesha uu ka qaadan lahaa waxa danta dalka iyo dadka u jirto taasoo uu KITAAB UGU DHAARTAY

185e2

Puntlandes.com

About The Author