Sawiro: Amiir Maxamuud gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug oo la kulmay madaxwenayaasha DFS & Puntland

09 Jan 2016 (Puntlandes) Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo mida Isimada ugu waawayn Puntland ayaa magaalada Bosaso kula kulmay Madaxwenayaasha DFS  Xasan Sheekh iyo Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

IMG-20160109-WA0005Amiir Maxamuud ayaa waxa uu ka mid ahaa Isimadii ku Casuunaa Muaasabada Furitaanka Garoonka Cusub ee magaalada Bosaso, kaasoo si rasmi ah ay Madaxweynayaasha DFS iyo Puntland xariga uga jareen 08dii bishan janaayo 2016ka.

Amiir Maxamuud ayaa Madaxwenayaasha DFS  Xasan Sheekh iyo Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay ka wada hadleen Xaalada Soomaaliya ay iminka ku sugan tahay iyo sidii horay loogu sii wadi lahaa ka shaqaynta soo celinta dawladnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo Amiirku ku guubaabiyey madaxweynayaasha ka shaqaynta Maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug

Amiir Maxamuud oo ah gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug ayaa waxa uu madaxda dalka warbixin ka siiyey Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug iyo halka ay marayaan hawlihii Horumarinta Gobolka Mudug, isagoo ku guubaabiyey madaxweynayaasha inay dhiiri geliyaana Horumarinta Shacabkeena iyo dalkeena.

Amiirka ayaa waxa kaloo uu madaxweynayaasha warbixin dheer ka siiyey Mashruuca Horumarinta Bursaalax oo uu Amirku kasoo shaqeeyey kana mid ahaa Aasaasayaashii Mashruucaac ay ka faa,iidaysteen Caruur Soomaaliyeed oo aad u fara badan, kuwaas oo wax kubartay ku barta, halkan ka daawo akhriso: Dhamaystiran: Isku daygii lagu Guulaystay ee Mashruuca Horumarinta Buursaalax iyo halkan Warbixin ku saabsan Mashruuca Horumarinta Bursaalax

Madaxweynayaasha ayaa ku amaanay Hawsha culus ee Bulshadiisa u hayo Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, waxayna u balan qaadeen inay kala shaqayn doonaan ka qayb qaadashada Horumarinta dalka ee uu ku hawlan yahay Amiirku.

Ugu dambayntii kulanka Amiir Maxamuud gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Gobolka Mudug iyo madaxweynayaasha ayaa kusoo dhamaaday jawi isfahan ah, taasoo guul u ah hacabka Gobolka Mudug.

IMG-20160109-WA0004

 

1a

4

2

Puntlandes.com

 

About The Author