Sawiro-Dhegayso: Shirkad Samaysa Shamiitada oo Sahmin kawada Puntland

10 Jan 2016 (Puntlandes)  Waxaa soo gaaray Puntland Shirkad Samaysa Shamiitada iyadoo Sahamin kawada Meelaha Buuraha leh ee Puntland, waxaana Shirkadaas lagu magacaaabaa SABOO Engineering Pvt Ltd, iyadoona meelaha ay Sahaminiyeen uu ka mid yahay Gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug, waxaana wafdiga Shirkada Safarkooda sahaminta ah ku weheliya Wasiirka Ganacsiga dawladda Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indha Guran.

Wafiga Shirkada SABOO, Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabwali Indhoguran iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa meelaha ay Sahamiyeen Gobolka Mudug waxay ahaayeen Degmada Xarfo iyo deegaanka Cagaaran kuwaas oo leh dhul uu ku badan yahay dhagaxa laga sameeyo shamiitada.

Injineer u hadlay Shirkada SABOO ayaa caddeeyey in goobihii ay Sahamiyeen ay ku arkeen meelo aad ugu wanaagsan soo saarka shamiitada.

Dhegayso Wasiirka Warfaafinta Puntland

Sarkaalka ka socda Shirkada SABOO


185-1

185-1a

185-1aa

185-2

185-3

185-4

185-5

185-6

185-7

185-8
Puntlandes.com

About The Author