Xawaaladda AMAL oo Xarunta Dhexe Garoowe u soo wareejisay Shaqaalena Imtixaan u Fariisisey

10 Jan 2016 (Puntlandes) Waxaa saaka ka furmay Imtixaan loo gelayo xarunta dhexe ee Xawaaladda AMAL Express Xarunta Jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Garoowe.

185d9

Imtixaanka ayaa loogu tartamayaa sideed 8 jago oo ay Xawaaladda AMAL Express soo xayeysiisyey waxaana soo codsaday boqolaal qof, waxaana inay imtixaanka fariistaan ku guulaystay 200 oo ka mida dadkii soo Codsaday.

Maamulaha Xawaaladda AMAL Express Siciid Maxamed Cajab oo lahadlayey warbaahinta ayaa sheegay in imtixaankani uu yimid kadib markii ay magaalada Garoowe usoo wareejiyeen xarunta dhexe ee Bangiga, oo 16 sano kutiiley magaalada Dubai.

Mudane Cajab ayaa sheegay in wareejinta xarunta dhexe ee xawaaladda ee magaalada Garoowe ay timid kadib markii ay arkeen in ammaan iyo jawi shaqo oo ku haboon uu kajiro Puntland.

Xawaaladda AMAL Express oo u adeegaysay umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa intii ay jirtey xarunteeda dhexe kutiil Wadanka Imaaraadka, waxaana in dalka loosoo wareejiyo ay fursad u noqonaysaa dhalinta kasoo baxaysa jaamacadaha dalka oo shaqo abuur ka heli doona.

Puntlandes.com

About The Author