Dhagayso: Gudoomiye xigeenka DFS Mahad ”C/kariim Gobol & bar buu sheegtaa, war ma Cadaado ayaa Gobol & bar ah?”

10 Jan 2016 (Puntlandes)  Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka DFS Mahad Cawad o oka mid ahaa wefdigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari ee booqday Xarunta maamulka Gobolada Dhexe ee Dheesamareen  ayaa Khudbad uu jeediyey halkaas aad ugu weeraray madaxweynaha maamul Galmudug ee Cadaado.

186-2

Gudoomiye Mahad ayaa wuxuu ku bilaabayaa Khudbadiisa ”C/kariim ba dawlad goboleed ayaan ku sheegnaaye maxaan tab ugu diidaynaa ?” wuxuu kaloo kusii daray ”maanta waa maalin taarikh ah oo Gudoomiyihii Baarlamaanka DFS oo Dhuusamareen shacabkiisii u yimid ayaa lagu Cambaaraynayaa, hadda anagaa dhalay ee ogaada, gacantayada ayey ku xiran tahay inaan Xilka ka qaadno ee ogaada”

Gudoomiye Mahad oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas kusii daray ”C/kariim oo meel halkaas ah ku xiran ummadda ilaahay kusoo furfuree, ma Cambaarayn baan ka filaynay?”

Gudoomiye Mahad o oka hadlaya dhulka uu ka taliyo maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa yiri ”waxaan maqalaa Gobol iyo bar baa la diidaa oo la yiraahdaa ma nihin, XAGGEE GOBOL IYO BAR KA YIHIIN, WAR CADAADO AYAA GOBOL IYO BAR AH?….. war maa Ilaahay laga Cabsado maxaa la isugu Ciyaarayaa?;;”

Dhagayso Gudoomiye Mahad


Gudoomiya Baarlamaanka ayaa isna ka jeediyey Dhuusamareeb Khubdad dheer oo uu uga hadlay arimo badan oo Quseeya Maamulka Gobolada Dhexe
Dhagayso Gudoomiye Jawaari


Puntlandes.com

About The Author