Daawo Video: Raysul wasaare Sharmarke oo ka qeybgalay Shir looga hadlayay arrimaha Federalka

18 Jan 2016 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha  DFS Cumar Cabdirashiir Cali Sharmarke ayaa ka qeybgalay Shir looga hadlayey nooca Federaalka ugu habboon ee Soomaaliya qaadanayo, Maqaamka Caasaimadda ay yeelanayso, Qaybsiga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka iyo awoodda maamul oo ay kala yeelanayaan DFS iyo dowlad goboleedyada.
159d7
Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dastuurka DFS,, Guddiyada Dastuurka ee Barlamanka iyo kan madaxa banan ee hirgalinta iyo dib u eegista dastuurka KMG ah.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaaystay aqoonyahanno loo xilsaaray in ay talo ka siiyaan dowladda Soomaaliya arrimaha federaalka iyo dastuurka dalka.

Wasiirka arrimaha dastuurka ee xulumadda federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay nooca federal ee dalku qaadanayo, isagoo tilmaamay in dhamaan qodobadda ka soo baxa laga talagalin doono dowlad gobolyeedda dalka.

Dastuurka ayaa qodobada ugu mihiimsan ee la doonayo in laga Heshiiyo ayaa waxa ka mid ah awooda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda arrimaha maamulka iyo sida loo qaybsanayo qayraadka dabiiciga ah.

Puntlandes.com

About The Author