SOMALILAND JUBALAND IYO PUNTLAND OO DANBI KA GALAY DALKOODA HOOYO

Daka soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada,somaliland,jubaland,iyo puntland ayaa ah dhab ahaan dadkii u soo halgamay si gaar ah qaranimada soomaaliyeed.waxay leeyihiin dhaqan facwayn oo soo jireen ah,waxayna kamid yihiin horseedka aqoonta u leh maamul iyo dawlad nimo.burburkii dagaalada sokeeye ee dhacay 1991dii kadib mahelin wax dawlad ah umada soomaaliyeed marka laga reebo iskudayga socda.Goboladani waxay ka mid yihiin kuwii ugu hor dhistay ismaamul dawlad goboleed ee dhexdooda ah taasoo ay keentay wayidii la waayay dawladii dhexe.

Way garteen in ay deegaanka ay ku nool yihiin xasiliyaan hantaan usameeyaan nidaam iyo kala danbayn waana ku mahad sanyihiin taas.dhanka kale nasiib daro maysan fahmin si dhab ah in ay u xaliyaan dhibaatada dawlad  dhexe oo xoogleh oo ka talisa gayiga soomaali guud ahaan sidii lagu helilahaa.mudo 25 sanadood ah deeganadani malaha aqoonsi dawladeed midina,maha bulsho caalamka ka muuqata oo xubinka ah dawladaha caalmaka ka jira guud ahaanba.malaha sharaf iyo wixii lagu yaqiinay dal.waxa aduun yadu u aragtaa uun dal soomaaliya la oran jiray oo burburay oo noqday meel burcad iyo tuugo ku nooshahay oo bahalo galeen ah.

Hadaba waan kala qaadaynaa fahamdarada haysata somaliland,jubaland iyo puntland. waxaan ku horaynayaa somaaliland.

SOMALILAND

191-1

Waxay garteen in ay dhistaan burburkii dawladii dhexe ee soomaaliyeed kadib,maamul ka arimiya gobolada waqooyi ee somaliland.waxay ku mashquuleen inay nafta u sheegaan waxaan sugaynaa inta koonfur ka hagaagayso!! iyo waa go aynaa oo citiraaf ayaan ka raadinaynaa caalamka! waxaan leeyahay halkan weeye meesha ay ka khaldameen somaaliland. waxaa tan ka faa iidaystay MOGUDISHO oo ku shaabadaysay in somaliland ay yihiin cunsuri ka go aya soomaali oo ah soomaali diid kala goynaya umadii soomaaliyeed ee walaalaha ahayd ee midaysnayd,in somaliland tahay hal qabiil oo doonaya in ay soomaali kala qaybiyaan,inay yihiin daba dhilif gumaysi raac ah. arimahan ayaa mogudisho ku eedaysay somaliland.Hadaba arimahan lagu eedaynayo somaliland maha sidan qabo wax dhabta ka turjumaya ee waa khiyaano iyo been la rabo in lagu sii hayo dalka soomaaliya nidaam darada iyo fawdada ay wadaan Mogudisho.

Somaliland waxaan ogahay in ay ka soomaalinimo jecel yihiin kana soomaali san yihiin reer mogudisho,laakiin gartoodii waa sheegan waayeen reer soomaaliland.waxaan cadaynayaa in soomaaliland iyo mogdisho marka runta loo yimaado ay mogudisho tahay mida diidan in soomaali israacdo oo midawdo halka soomaaliland ay diyaar u tahay sidii shalay in ay isu keento soomaali. waxaana cadaynaya caasimadii labaad ee soomaaliyeed waa hargaysa,shalay iyagaa yimid mogdisho oo keenay calanka iyo dawlad nimada,maanta maxaa loo diidayaa in markooda la tago Hargaysa oo caasimad laga dhigo? somaaliland way ogashahay in laysu yimaado laakiin hal shardi oo waliba aad u sahlan ayay wataan oo ah in caasimada la keeno hargaysa,maxay u diidayaan oo u leeyihiin hadii mogdisho caasimada laga wareejinayo soomaali waa ka go aynaa maxay u leeyihiin reer mogdisho? yaase hada raba gu ida ma hargaysa mise mogudisho? gartu illaahay bay taqaan. waxaanse ka xumahay in soomaaliland garteeda soo bandhigi waydo oo iyagii la cayrsado sidii iyagoo ah kuwa diidan midawga dawlad soomaaliyeed!!! dalku mar hore ayuu heli lahaa dawlad nimo iyo sharaf waxaa dayacay somaaliland oo caasimada soo rari wayday inta kale soomaali waa ogashahay marka laga reebo nimankaa mogdisho ee soomaalila haray rajana aan lahayn lagana sugayn waligoodba. soomaaliland waxan ku haystaa daycaa ay baday soomaaliya oo ay uga tagtay nimankaa mugdisho fadhiya ee aan lahayn wadaniyada iyo damiirka soomaalinimo. soomaali way isku raacaysaa hadii caasimada laydiin diido si aynu u midawno in aad go daan waa gar aad ku helaysaan garab.

JUBALAND IYO PUNTLAND

47

Waa ku guulaysteen in dagaanadooda ay kasameeyaan nabad iyo kala danbayn,laakiin waxaa maqan dawladii dhexe ee soomaaliyeed ee burburtay 1991dii.goboladani mahaystaan sharaf iyo dawlad la aqoon sanyhay midna.goboladani waxay ku khaldameen in ay oran waa yaan reer mugdisho guryaha iyo magaalada caasimada soomaali u ah idinkaa ku habsaday,xoog ku dagan,udiidan amaanka majiro reer kale oo soomaaliyeed oo hubaysan oo dagan mogdisho sidaa daraadeed wiilashiina hubka ka dhiga oo magaalada nabadeeya,hadaydaan yeelaynin anagaa hayna meelo nabad ah dhulka soomaaliyeed waa wayn yahay amaanka dawlada waa lasugayaa maadama idinku aydaan sugayn oo dawladkasta ka horjeedaan mugdisho idinka yeeli mayno mana tagayno maxaa nagu qasbaya!!! halkaa waxaa ka cad in jubaland iyo puntland ay khiyaamaynayaan naftooda iyo umada soomaaliyeed maxaayeelay nin aan dal iyo dawlad midna dan kalahayn wuxuu caloosho galiyo mooyaane ayay mugdisho la joogaan oo u durbaan tumayaan sidaa somaliland. waxaad arkaysaa in dastuurkii lagu heshiiyay ay dhinac marayaan,oo kutumanayaan hadna la leeyahay waa u tanaasulay!! sharciba hadaan lagu dhaqmayn sidee loo helayaa dawladnimo?

¨139c

Waxay keeneen reer mogdisho waxaan soomaali lagu aqoon oo ah 4.5 iyo qabiil wax aan ku qaybsano,waxaa ceeb ugu filan soomaali in ay maanta ku murmayso oo mogdishadii shalay u keentay ay hadana ku sii qasbayso in la isticmaalo waxaan caalamkaba cid isticmaashaa jirin,aan laga helayn maktabadaha caalamka buug qoraysa nidaam ah qabiil wax ku qaybsi. dawladaha waxaa ka jira nidaam boqortooyo,mid dimuqraadi,mid shuuci,mid diineed,intaba waa laga helayaa maktabadaha caalamka buugtoodaa yaala oo la raacaa,laakiin halbuuq oo ah nidaam qabiil oo dawlad ku taagantahay caalamka majiro waa garashada maangaabkaas mogdisho kulaharay soomaali oo ceebtaa baday maanta.

Dadka fikirkooduba yahay dagaan marabo in dawlad aan ku dhisano sida wax loogu darsan wayla ama kaag!!kuwase waxa noocaas ah ag fadhiyaa ka liita oo sabab u ah in ay soomaali ahaato baylaha shisheeye u dayacan.halkan kuma xusin dawlad goboleedka koonfur galbeed oo ah dad wanaagsan sababtuna waxaa weeye mugdisho ayaa haysata markay xoroobaan ayaan wax ka dhihi doonaa.

Gabagabadii

188-5

Somaliland iyo jubaland iyo puntland hadaydaan cayminin dalkeena inta u hartay waxaa halis ah in dalkeena ay dhaxlaan qolooyin shisheeye ah oo gadaalka taagan wax magaratada mogudisho.waa qasab in aad dib isugu noqotaan faham dheer gashaan katalisaan aayaha ubadkiina u dhiidhidaan dalkiina iyo dadkiina waarabuhu helay iyo yeyda oomani.waxaad ogaataan in magaca MOGUDISHO waa caasimad lagu gumaysanayo dadkiina iyo dalkiina hadaad wax kasaysaan waan idinla hadlay nin raga ayay dardaaran u tahay ee doqoni ha moogaato.maanta maha reer reer waa arin fog ee miyaydaan wax kasaynin.ninka lagu sheego madaxwayne xasan sheekh waa wakiil dilaal u ah in uu somaliland iyo puntland iyo jubaland hooskeeno mogudisho oo shisheeye ku adoonsado sidiisa oo kale gobta soomaaliyeed ee xorta ah. waa nin u adeegaya si bareer ah shisheeye oo iibsaday diintii dalkii iyo dadkiiba ee miyaydaan dareemin dilaalka. ninka meel walba la taagan hargaysa nabad maha mugdishaa nabad ah garoowe nabad maha mugdisho ayaa nabad ah kismanyo nabad maha mugdishaa nabad ah miyaydaan macnahaas fahmin iyo cida hadlaysa.waa layna dhex galay,layna kala qaybiyay kadibna dalkeena lala wareegayaa miyaydaan dareemin. in HARGAYSA TAHAY CAASIMADII SOOMAALIYA CIDA DIIDAN MIYAYDAAN DAREEMIN!! NINKA SOOMAALI KA GO AYA HADANA ADIGA KU NABAYA MIYAYDAAN DAREEMIN,KA NAKALA QAYBIN MIYAYDAAN DAREEMIN.hadaba ogaada hadaydaan dareemin cida khaladka lihi waa somaliland iyo jubaland iyo puntland idinkaana ku fiirsaday dalkeena wax ma garato habaw ah.kolkaa cidkale yaynaan iidin inagaa dalkeenii dayacnay.

Yuusuf Cumar Mashruuc5@hotmail.com

About The Author